Thu, Jan, 01-1970 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Xildh. Daud iyo Ahmed Jigre
Sidii aan horay aan idinku wargalinay socdaalka Xildhibaan Da'ud ee uu ku marayo waqooyiga America iyo Europe ayaa wali soo gaba gaboobin ayadoo uu wali dhexda kaga jiro mudadii uu ugu talagalay in uu ku baxsho safaradaas.

Axadii lasoo dhaafay ee taariikhdu ahayd Oct 3, 2010 ayaa Xildhibaan Da'ud uu kulankii sadexaad layeeshay qaar kamid ah wax garadka iyo cuqaasha Beesha YD ee ee kudhaqan Gobalka Nabreska magaalada Omaha. Kulankan ayaa qayb ka ah kulamadii uu Xildhiban Da'ud horay uga soo sameeyey Magaalooyinka Boston iyoMinneapolis

Xildhiban Da'ud ayaa kasoo qayb galayaasha Madasha ka dharjiyey in wada jirka iyo Midnimada umada ay tahay midaa kaliya ee maanta soo celin karta qarankii somaliyeed ee lumay iyo isagoo sidoo kale sheegay in wax wada qabsiga iyo Horumarka beesha YD oo lasoo celiyo ay samayn kuyeelan karto in midnimada Qaran. sikastaba ha ahaatee Xildhibaan Daud ayaa ku dheeri galiyey Dadwaynihii kasoo qayb galay kulanka uu ubadnaa Ganacsato waayeyn oo base koodu yahay dibada ay ku dhiiradaan inay wadankii gaar ahaan degaanada Beesha ay kubalaariyaan ganacsigooda ugana fa'ideeyaan umadooda iyo sidoo kale in Mashruucyo iyo Hay'ado samafal ah ay geeyaan.

Arimahaas ayaa ahaa kuwo ay aad u soo dhaweeyen cuqaashii iyo ganacsatadii kasoo qayb gashay kulanka. waxaa sidoo kale kahadlay madasha Waxgarad Badan uu kamid ahaa Nabadoon Ahmed Jigre oo isago dhawaan kasoo laabtay Somalia gaar ahaa Puntland soona arkay oo soo xaqiijiyey nolasha rasmiga ee ay ku noolyihiin Dadkeena iyo dhaq dhaqaaqoda guud ahaan, waxaa uu dhamaan xoojiyey Socdaalka Xildhibaanka iyo wax kudhaliyey in xildhibaanku uu safarkaas dheer usoo galo arimahaan.

Talooyinkii iyo dhiirigalintii Xildhaban Da'ud uu ula tagay reer Nebraska ayaa ladhihi karaa horay ayey ka qaateen ayagoo halkaas ay ku dhaqaa qeen talaaboyin horleh oo ay ugu bud-dhigeen isbadalka Cusub. Waxaa intaas dheer in gudi lagu magacaabay kuwaas oo kashaqayn doona dar-dar galinta isbadalka cusub. Magacyada gudiga cusub ayaa ah sidaan:-

Shiine Ciise Muse
Ahmed Gaftin
Abdirazak Ali Salaad
Dadaalka Xildhibaan Da'ud ayaa run ahaantii umuuqda mid baahay oo gaaray qaarad ilaa qaarad iyadoo aad moodid In beesha ay u dhalatay bil barwaaqo ah oo lagu soo celinayo tayadii iyo muuqaalkii ay beeshu ku lahayd Umadda Somaliyeed.

Socdaalka Xiga ee Xildhibaan Da'ud ayaa ku aadan Gobalka California magaalada San Deigo halkaas oo uu sidoo kale ku qaabili doono Jaaliyada YD ee halkaas ku dhaqan.













Thank you for visiting our web page
should you have any concerns, feel free to contact us
burtinle@burtinletimes.com


COMMENTS (6)
Wiil Yare says: Wednesday, October 13, 2010 at 19:03:37
Reer Bebraska Dumarkii aaway oo maxaa kudhacay shirarkii Boston iyo Mineapolus dumrka lagama soo tagine maxaa idin ku dhacay mise gabdhaha aydan kucasumin shirka. Mise Qardhab maa diiday... sida kale waa Maasha alllah sii wada dadaalka
Muhiyadin abdulasis says: Tuesday, October 12, 2010 at 12:20:57
Sooo dhawow soo dhawoow soo dhawow ayaa leenahay muadanahena... wa muhim xaqiq an la iska indhatiri karin tolka waxu ubahana yahay sidaas daraded qof aksta waa ay tahay inu gacmo furan kusoo dhaweyo dadkena ceeb kasalimka ah raadinayana midnimadena. daud abdulkarem dadalka wax yar ayaa ka dhiman yurubna welcome
Abdulaahi Mohamed says: Tuesday, October 12, 2010 at 12:17:21
abdulkarem Hersi, boston ma anan galin ciriri ee waxanu kusiganay inanu ciriri galino minisota hahahah.. kaftan.com, lakin waxan layabanahay californiya soo dhawayntooda waxan aad urajeynayaa intena kale in ciriri ay nagaliso.. rag aan horay u aqanay ayaa wajiyadoda ka arkay masha allah, Daud waxan urajeynaynaa nasib wanagsan iyo howsha uu odayga ka yahay inay guulaysato.. waa tusale wanagsan...
Mohamed abdulle jama says: Tuesday, October 12, 2010 at 12:09:49
dhamantin salaan awrtablaha aadka utirada badabn ee akhrista webkaxan xalasha ah ee bulshadena horsedka u ah, wan kufaraxsanahay arimaha siday usocdaan, tan webka wa arin muhim ah waayo burtinle,xaarxaar and meeraysane kuli waa carro awrtable waa dhulkeni waa inaynu kufaanaa... waad mahdsan tahin dhamantin
Akarim h Warsame says: Tuesday, October 12, 2010 at 03:12:10
Nebraska, Boston ayey ciriiri galaisay xaga soo dahaweynta Mudanaha ayaan isiri kkk well done guys. Daud qeyr baan kuu rajeynayaa waa taariikh cusub oo kudayo mudan.
Abdulaziz afbashe says: Monday, October 11, 2010 at 19:49:12
waan idin salaamey walaalayaal dhmaantiin waxaan idin rajeenayaa guul waxan aad ugu qosley in halka wabseed ee aan idin ku aqaano uu leeyahey sadex magac xaarxaar/burtinle iyowaliba meeresane mar burtinle iska dhaafa waa naloka adkaadee axey yihiin laada kale mamagal
Page
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :