Dowladda Uganda ayaa heshiis kula saxiixatay midowga Africa
magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.
Heshiiskan ayaa waxa uu ahaa in dowladda Uganda ay u dirto
Soomaaliya ciidan ka kooban hal cutub oo gaaraya ilaa 140-askari oo
Boolis ah, kaa oo qeyb ka ah howgalka midowga Africa AMISOM ee
Soomaaliya.
Ciidanka Booliska Uganda ay geeneyso Soomaaliya ayaa waxa uu noqon
doonaa kii ugu horreeyay ee noocisa ee howgal midowga Africa horseed
ka tahay loo diro dal ku yaala Africa, oo wixii hadda ka horreyay ay
uun uga qeybgali jireen shaqsiyaad xubno Poolis ah oo kaliye ah oo
lagu daro ciidamada Milataryga Africa.
Booliska Milataryga ee la geenayo Muqdisho waxa uu qeyb ka yahay
dardar-gallinta qorshaha cusub ee howgalada AMISOM oo ay qaateen
golaha nabad-galyada midowga Africa shantii Janaayo ee sannadkan,
ayna ansixiyeen golaha ammaaanka QM oo arrintaas si aad u soo
dhaweeyay 22-kii bishii Febraayo ee sannadkan.
Sidoo kale waxa jira qorshayaal midowga Africa uu heshiis lagalayo
dowladda Nigeria in ay ciidan Boolis keenan Soomaaliya, haatan waxa
jira ciidamo Boolis ah oo tiradooda dhantahay 60 oo ku sugan
Muqdisho, kuwaas oo ka qeybqaadanaya dadaalada guud ee lagu doonayo
in lagu dhiso awooda ciidanka Booliska Soomaaliya iyadoo loo marayo
talasiin, tababarid iyo la socodka sida ay u shaqeenayaan.
Waxa uu yahay qorshaha in Muqdisho la keeno 200 oo xubnood oo
kale, waxa looga jeedaa in la xoojiyo sharciga iyo kala dambeenta ka
jirta caasimada Muqdisho oo ah meesha uu ka howgalo midowga Africa
kaddibna lagu fidiyo dhulka kale ee la xoreeyo.
Heshiiska lagu kala saxiixday Addis Ababa ee ah in la keeno
Muqdisho ciidamo boolis ah waxa uu yimid iyadoo ay muuqato horrumar
joogta ah oo ay gaarayaan ciidamada midowga Africa iyo kuwa dowladda
KMG ah sida lagu sheegay warka ka soo baxay xarunta midowga Africa ee
Addis Ababa.
Si kastaba, waxa munaasabada heshiiska lagu kala saxiixday joogay
madax ka tirsan dowladda Uganda, midowgas Africa iyo Pooliska
caalamiga ee Interpol.