Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna
Wasiirka Ganacsigga iyo Warashadaha ee Xukuumadda Soomaaliya oo
maanta shir jaraa’id oo uu xafiiska ku qabtay ayaa sheegay in
Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ay 7:00 subaxnimo ku guuleysteen
iney soo furteen la heystayaal Ajnabi ah iyo kuwa Soomaali ah oo u
adeegayay Shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan Xerada Dhadhaab.
Ku-Simaha ayaa sheegay in 4 Anjabi ah
oo u kala dhalatay dalalka Labo Canadiyaan Norway, Filibiin iyo
Soomaali la socotay iney Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ku
guuleysteen iney soo furteen iyagoo kaashanaya Ciidamada ku sugan
Jubbooyinka iyo kuwa Kenya.
“Waxaa inoo farxad ah in maanta
ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ku guuleysteen iney soo
furtaan Samafalayaal Ajnabi iyo kuwa Soomaali ah oo laga soo
afduubtay xerada Dhadhaab ee dalka Kenya”. Ayuu yiri kusimaha
R/wasaaraha ahna wasiirka gacansiga iyo warshadaha C/wahaab Ugaas
Xuseen Ugaas Khaliif.
Sidoo kale wuxuu xusay in dowladihii
ay dadkaasi u dhasheen u sheegay in ay gacan nabad gelyo ah ku jiraan
ayna u duuleyn dalka Kenya si nabad gelyo ah islamarkaana waxaan u
sheegeynaa ineysan ka niyad jabin taageerada ay u hayaan Ummadda
Soomaaliyeed ayna u shaqeyaan sidii ay ugu shaqeyn jireen Ummadda.
Ugu dambeyntii Ku-Simaha Ra’iisul
Wasaaraha ayaa tilmaamay in arrintaani ay tusaalo u tahay in
Xukuumadda ay awood u leedahay in Al-Shabaab iyo qolyaha kaleba aysan
awood u yeelan karin in ay Afduub ka geystaan gudaha dalka
Soomaaliya.