Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga sameeyay Howlgalkii ugu
balaarnaa oo lagu soo qabqabtay dadweyn badan kuwaasi oo lala
xariirinayo in ay ka tirsanyihiin kooxda Al-Shabaab.
Howlgalkaan ayaa waxaa samaynayay ciidamada dowlada Soomaaliya
waxaana laga sameeyay inta badan degmooyinka gobalka Banaadir
iyadoona ciidamadana ay galayeen guryaha qaar.
Gen. Cali Caraale Cosoble Gacmadulle oo la hadlay warbaahinta isla
markaana ka warbixiyay howlgalkaan ayaa wuxuu sheegay in dadka la
qabtay ay gaarayaan ilaa iyo Sadax Kun oo Qof (3,000), kuwaas oo laga
soo kala qabtay xaafado badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay dadkaan la qab qabtay oo u badan dhalinyaro in ka
badan 200-oo ka mid ah in lagu cadeeyay in ay ka tirsanyihiin kooxda
Al-Shabaab isla markaana inta kale ay baaritaano ku socdaan.
Xaafadaha maanta dadkaan laga soo qabtay ayaa waxay ka
tirsanyihiin degmooyinka Dayniile, Warta Nabada, Hilwaa Degmada
Yaaqshiid, iyo degmooyin kale.
Dadka la qabtay ayaa waxaa ku jiray wadaado ka tirsan culamada
Tabliiqa kuwaas oo markii danbe la sii daayay markii ay la kulmeen
wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka.
Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/samad Macalin
maxamuud Sheekh Xasan Faarax oo maanta warbaahinta kula hadlay
magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in dadkaan baaritaano lagu
samaynayo isla markaana cidii danbi lagu waayaa ladayn doono.